5/26/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 16, 2020
Dowladda Kenya oo maxkamada ICJ kala hadashay in dib loo dhigo dhageysiga dacwada badda


 

Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Dowlada Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay la gaartay maxkamada caalamiga ah ee cadaalada (ICJ) inay codsato kordhinta dhageysiga dacwada muranka xadka badda oo sanado socdey.

Dawladda Kenya waxay la gaartay ICJ inay raadsato waqti dheeri ah iyada oo ay ugu wacan tahay masiibada 'Covid-19' inaanay suurto galin Karin in dacwada la qaado.

Waraaq ay u direen ICJ, qareennada difaaca Kenya ayaa lagu soo waramayaa inay qirteen inay shaqadooda saameeysay masiibada covid19.

Sida ay sheegayaan wararka, dowladda Soomaaliya ayaa si xoogan uga soo horjeesatay qorshayaasha Kenya ee ah inay dib u dhigto dacwadda badda waxayna ku eedeeysay Kenya inay raadineyso xal ka baxsan maxkamadda.

Saxaafaddu waxay sheegtey in bayaanka ay dowladda Soomaaliya u dirtay ICJ ay ku codsatay in dhageysiga loo qaato qaab muuqaal ah iyadoo la adeegsanayo tikniyoolajiyad casri ah si loo diido cudurdaarka Kenya.

Soomaaliya ayaa ku dooday in dacwadihii waaweynaa ee caalamiga ahaa ee la keenay ICJ ay horay u maqleen oo go'aan looga gaadhey qaab maqal iyo muuqaal ah, waxayna ugu baaqday ICJ inaysan waligood dib u dhigin dhageysiga kiiskaan.

ICJ bishii Nofeembar 2019, waxay oggolaatay inay horay ugu sii dhaqaaqdo dhageysiga muranka badda ee u dhexeeya labada dal ka dib markii ay labada waddan soo gudbiyeen dacwadahooda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ), waaxda garsoorka ee ugu sarreysa Qaramada Midoobay, waxay go’aansatay in dib loo dhigo  dhageysiga kiiskaan illaa laga gaaro 8-da Juun 2020.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
abdiwali.sheikh@hiiraan.com









Click here
5/16/2020 6:46 PM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Dowladda Qatar, ayaa Sabtidii maanta Muqdisho kasoo dajisay deeq gargaar caafimaad oo deg deg ah oo ay ugu talo gashay Soomaaliya, si looga hortago loona xakameeyo faafitaanka corona (Covid-19).

5/16/2020 5:34 PM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Bangiga adduunka ayaa oggolaaday $ 137 milyan oo doollar si loogu xoojiyo dagaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah COVID19, abaarta iyo fatahaadaha.

5/16/2020 12:43 PM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Hal qof ayaa ku dhintay fatahaada wabiga Shabeelle kadib markii aay qaadeen biyo xowli ah oo kasoo rogmaday wabiga, waxaana lasoo badbaadiyay in kabadan 10 qof.

5/16/2020 6:49 AM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - War kasoo baxay goor dhow wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 19 xaalad oo cusub oo COVID-19 ah laga helay deegaannadaasi, taas oo kor usii qaadday guud ahaan tirada uu soo riday xanuunka Coronavirus.

5/16/2020 6:22 AM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu ka hadlay arrinta ku saabsan dacwadda badda ee taalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, una dhexeysa waddamada Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii warbaahintu ay sii daysay macluumaad muujinaya in xukuumadda Nairobi ay codsatay in dib loo dhigo markii seddexaad garmaqalka labada dal sababa jiro oo hadda ay wajahayaan labada dalba dib loogu dhigo.

5/16/2020 5:24 AM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo kasoo baxay midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay in lacag dhan €105.5 ay ku taageerayaan waddamada ku yaalla geeska bari ee qaaradda Afrika, si wax looga qabto xaaladaha Bani-aadannimo ee ka taagan dalalkaasi.

5/16/2020 4:54 AM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Diyaarad sidday gargaar caafimaad oo ka socday waddanka Qatar ayaa waxay gaartay magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxaana loogu tala-galay deeqdaas in lagu caawiyo dadka la xanuunsanaya COVID-19, iyo agabka kale .

5/16/2020 1:24 AM EST
Sabti, May 16, 2020 (HOL) - Baarlamaanka Sweden ayaa u codeeyay in Sweden bixiso 2 milyan oo Yuuro oo lagu taageerayo cafinta deynta Soomaaliya uu ku leeyahay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).